Basasha oo ka mid ah khudaarta muhiimka ah ee sida maalinlaha ah dadku wax ugu karsadaan ayaa gabi ahaanba ka kala go’day Somaliland, kadib markii ay istaagtay basashii ugu badnayd oo ka iman jirtay dalka Yemen.
Qiimaha Faraasiladda (12.5kg) ayaa suuqa hargeysa ka joogta maanta inta u dhaxaysa 80,000 illaa 100,000 oo SLsh aah, halka ay toddobaadkii hore ka maraysay 50,000/slsh.
Ganacsatada khudaarta ayaa FARRIIN u xaqiijiyey In basashii Yemen ay istaagtay maadaama xilligii ay beeri jireen uu dhamaaday, taasina ay keentay inay kala go’do. Ganacsatadda soo dajisa basasha ayaa bilaabay inay ka doontaan Suudaan oo ah suuqa labaad ee ay ka soo waaridaan marka ay dhamaato ta Yemen laga keennaa.
Somaliland oo ah dhul hodan ku ah beeraha ayaan inta badan laga beerin khudaarta ay ka mid ka yihiin Baradhada iyo Basashu, walow sanadahan u danbeeyay beeralaydu bilaabeen inay beertaan.
Abaarta dhawr sanno jirsatay ayaa saamayn ku yeelatay beeralayda Somaliland, waxaanay taasi sababtay inay gaabaabsi ku noqdaan suuqyadda khudaarta dalagyaddii loo iib keeni jiray.
Tusaale ahaa, khudaarta yar yar ee saladhka, kamasaradda ayaa iyanna cidhiidhi ku ah suuqyadda somaliland, halka uu qiimahoodunna cirka isku shareeray. waxa kale oo iyana maanta suuqyada dalka gabaabsi ka noqday Muuska oo ka iman jiray Somalia iyo Itoobiya.

