𝐇𝐨𝐫-𝐝𝐡𝐚𝐜
Xiligan Casriga ah ee ay Dunidu u guurtay Digital-ka wax walba waxa laga eegaa Internetka sida; Baraha bulshada ee ay ugu horeeyaan Twitter (X), iyo Facebook iyadoo si gaar ah documentiyada loogu daabaco Shabakadaha (Websites), kaasi oo ay Hay’ad kastaa leedahay waqtigan Casriga ah lagana heli karo dhamaan Xogta ku saabsan iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda ee ay muhiim tahay in la ogaado ama Bulshada loo soo bandhigi karo (Public).
Xog-ururintani waxay soo koobaysaa waa sidee isticmaalka Baraha Bulshada ee Wasaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ay bulshadu ugu xidhan tahay iyo Macluumaadka lagu baahiyo iyo sidoo kale Macluumaadkaasi la baahiyey ma yahay mid si fudud loo fahmi karo ama mid xidhiidh la leh shaqada Wasaaradda Baahisay amase ka turjumaya baahida Bulshada gaar ah ee ay u adeegto wasaarad kastaaba, ma siinayaa xog ku filan oo ay go’aan ku gaadhi karaan ama ku wacyi galin kara ujeedooyinka iyo ahdaafta Wasaaradda?
Xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha kala duwan ee baraha bulshada iyo siday isugu xidhanyihiin dhexdooda mid waliba uu kuugu tilmaami karo kan kale adigoo aan meelo kala duwan ka baadhin Website-ka, Tiwitter-ka, Facebook-ga iyo baraha kale ee bulshada.
Dokumentiyada laga heli karo Website-yada Wasaaradaha warbixintani waxay diiradda saaraysaa dukumentiyada ku jira; sida xeerarka, siyaasadaha, Istaraatijiyadda iyo Daraasado ama Xogo la soo ururiyey oo lagu ogaaday jiritaan ama la’aanta adeegyo ama baahiyo gaar ah. Waxa kale oo xog-ururintani ay soo bandhigaysaa luuqadaha ay ku qoran yihiin macluumaadka lagu baahiyo Mareegaha 24-ka Wasaaradood ee Somaliland.
Lifaaqa Warbixinta: halkan ka daalaco

