Somaliland waxa aad u yaraaday Roobabkii la filan jiray. taasi waxa ay saamayn toos ah ku yeelatay wax-soo-saarkii beeraha. xog laga helay xafiiska wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Gabilay waxa ay muujisay hoos u dhacaas wax-soo-saar.
Tusaale ahaan Hadhuudhka iyo Gallayda, marka qiyaas loo qaato xaddigii ka bixi jiray halkii higtaar (5 Qooddi) dhawr sano ka hor, waxa muuqata in hoos u dhac weyni ku yimid.
Sidoo kalena waxa adkaatay beeristii Gallayda, rayskii oo yaraaday awgeed. Sababaha ugu wacan hoos u dhaca wax soo saarka waxaa ka mid ah:
– Roob yaraan
– Xilligii la filayay roobka oo ka soo hor mara ama dib uga dhaca.
– Tayadii Ciidda oo hoos u dhacday, sababo la xidhiidha carro guurka awgood iyo qaabka beerista oo aan sidii ugu habboonayd looga hawl galin.
– Faafitaanka geed-xunka (invasive plants), sida Kalidii noolaha (Parthenium hysteropheorus), Haramaha iwm iyo waliba cayayaanka ay ka mid yihiin nooc ka mid ah dirxiga oo saameeya Hadhuudhka iyo Gallayda.
Xigasho: Daraasadda Cimilo Awaal ee ay soo saartay Candle Light

