Maanta oo Bishan September tahay 27 waxa sannad walba dunida laga xusaa maalinta Dalxiiska Adduunka.
“Dalxiisku waa mudnaanta saddexaad ee yoolka horumar ee higsiga Somaliland 2030.” Qorshaha Qaran
Sida ku cad Qorshaha Higsiga Qaranka Somaliland waxa uu Dalxiisku ugu jiraa mudnaanta saddexaad ee qorshaha Qaranka iyo Higisga Yoolasha horumarineed ee 2030 ka, taasoo ka dhigan Somaliland inay ka shaqayso sidii loo horumarin lahaa goobaha Dalxiiska.
Goobaha Dalxiiska oo la horumariyaa waxay ka dhigan tahay Somaliland inay ka heli doonto fursado kala duwan oo ay ka mid yihiin Dhaqaale, Sumcad iyo xidhiidho dhaqan oo ay la yeelato dunida inteeda kale.
Dalxiisku wuxuu dunida uga dhigan yahay soo bandhigida khayraadka dal si uu uga iibiyo dunida kale Taariikhda face wayn ee dalkaasi leeyahay maadaama dunidu ku faanto ilbaxnimooyinkii iyo xadaaradihii hore oo muujiya jiritaanka Dal.
Somaliland waxay leedahay goobo dalxiis oo ku filiqsan goboladda dalka oo dhan waxaanna ku duugan Taariikho kala duwan iyo muuqaalo farabadan oo soo jiita indhaha dalxiisayaasha gudaha iyo dibeda ba, kuwaas oo ka markhaati kaca nimcadda fadhida ee ilaahay ku manaystay.
Goboladda Somaliland way ku kala hodansan yihiin goobaha Dalxiiska, waxaanna ugu mudan gobolka Saaxil oo leh goobo isku dhaw dhaw oo dalxiisayaashu ay ka heli karaan adeegyo farabadan.
Si loo hirgaliyo qorshaha Qaran iyo higsiga Somaliland waxa loo baahan yahay xukuumad, shicib iyo ganacsataba in kaga faa’iidaysto khayraadkaas oo la galiyo muruq iyo maal ba maadaama ay ku jiraan fursado kala duwan oo looga faa’iidaysn karo macaash iyo magac ba.
Waxaana loo baahan yahay caqabadaha ku gadaaman in si dhakhso ah wax looga qabto, si aynu dunida usoo jiidanno, ugana iibino dalxiiskeena oo ah il dhaqaale.



