Xuska Maalinta Badbaadada Bukaanka oo ah maalin qaramada Midoobay u astaysay badbaadinta Bukaanka ayaa dunida maanta oo kale sannad walba laga xusaa.
Maanta oo kale 17 September Waxa la isku baraarujiyaa sidii loo laban laabi lahaa daryeelka badbaado ee qofka bukaanka ah. Ha ahaado marxaladda Bukaan socodka ah ama marxaladda uu ku sugan yahay xarun caafimaad oo lagu baxnaaninayo.
Xuska maalintan waxa si weyn la isugu baraarujiyaa sidii bahda caafimaadka ee gacanta ku haysa qofka bukaanka ahi masuuliyad weyn isaga saari lahaayeen badbaadada bukaanka. Marxaladda daaweynta, ilaalinta daryeelka nadaafaeed ee bukaanka. Ilaalinta bed-qabka daawooyinka la siinayo, daryeelka joogtada ah ee bukaanka. Sidoo kale waxa laga hadlaa qorshayaasha xukuumadaha adduunka uga yaalla ilaalinta Badbaadada Bukaanka. Waxa la soo ban dhigaa daraasado, baadhitaano iyo xogo la xidhiidha hadba sida dalkaasi masuuliyad isaga saaro badbaadada bukaanka si loo helo bukaan soo kabta oo caafimaadkiisa dib u hela.
Muwaadin, Waa side xaaladda Bukaan ee dalkeenu?, ma haystaa daryeel badbaado?, duruufaha ku gedaaman bukaankeena wax maka tilmaami kartaa?

